Made with FlowPaper - Flipbook Maker
ARRINTAN Abuuritaanka deegaan badbaado leh Ka dhigidda deegaanka mid la saadaalin karo Doorashada alabta taageerada iyo muuqaallada SOO SAARIDA 2 TAAGEERADA HABDHAQANKA WANAAGSAN DEEGAANKA TAAGEERA DABEECADAHA WANAAGSAN2DEEGAAN TAAGEERADA LEH - SOO SAARIDA 2 MAWDUUCYADA Sameeye: Gail Joseph Madaxa Tafaftirka: Tamarack O’Donnell Qoreyaasha: Angela Notari-Syverson, Heather Floyd, Tamarack O’Donnell Naqshadeeye: Ceci Skolrud Circle Time Magazine Soo saaridda 2, 2019 Wixii su'aalo ama faallo ah la xiriir CTmag@uw.eduCTmag@uw.edu Dukumentigan waxaa lagu diyaariyey taageero ka timid Washington State Department of Children, Youth, and Families (DCYF). Si aad u hesho ilo badan oo ku saabsan mawduucan, iyo si aad u daawato taxanaha soo bandhigidahorumarka xirfadeed ee Wargeyska Waqtiga Kulanka, nagla soco: http://cultivatelearning.uw.edu/circle-time- magazine/ Deegaanka Taageera Dabeecadaha Wanaagsan: Muuqaalada iyo Fikradaha Muhiimka ah Sinnaanta Waa Muhiim Taageerada Habdhaqanka Wanaagsan (Positive Behavior Support, PBS) iyo Jawiga Taageera Habdhaqanka Wanaagsan Barashada Dunidayda Dhallaanka: Hore • Dhaqangali • Iskuday • Ka Hadal • Iskaashi lala yeesho Qoysaska Caruurta Socod-baradka: Xirfadaha Soo Baxaya • Dhaqangali • Iskuday • Ka Hadal • Iskaashi lala yeesho Qoysaska Caruurta aan gaarin dugsiga: Kordhinta Xirfadda • Dhaqangali • Iskuday • Ka Hadal • Iskaashi Lala Yeesho Qoysaska Waa Wax Walba oo Adiga Kugu Saabsan: Dhisidda Adkeysiga 3 4 4 5 6 6 7 8 8 9 9 10 11 11 12 12 13 15 15 16Deegaanka iyo bulshada waxay wayn u taraan dabeecaddaha. Deegaanada loogu talagalay inay ahaadaan kuwo badbaado leh, la saadaalin karo, oo taageeraya, kor u qaadaya horumarka bulsheed iyo shucuureed. Marka ilmaha mujuq ah iyo carruurta yaryar ay dareemaan ammaan iyo kalsooni, waxay si fiican u awoodaan inay xakameeyaan dhaqankooda waxayna si guul leh ula tacaali karaan xaaladaha adag. 3DEEGAAN TAAGEERADA LEH - SOO SAARIDA 2 Samee Deegaan Jidh ahaan Badbaado leh Deegaanka Taageera Dabeecadaha Wanaagsan Tilmaamaha iyo Fikradaha Muhiimka ah Dooro alaab iyo muuqaalo taageero ah Alaabta Taageerada iyo Ka qaybgalka: Aalaabaha waxay u baahan yihiin inay noqdaan kuwo la heli karo, taageera madax-bannaanida carruurta iyo isdhexgalka bulshada, oo bixiya fursado ay ku sahamiyaan oo ay wax ku bartaan. Ilmaha la hawlgeliyay ayay u badan tahay inay soo bandhigaan dabeecadaha la xidhiidha caajisnimada ama niyad-jabka. Doorashada alaabta ku haboon dhaqan ahaan ee matala kala duwanaanshaha habab dhab ah waxay ka dhigtaa waxbarashadu mid macno badan oo muujinaysa ixtiraamka ilmaha iyo qoyska. Muuqaalada Taageerada leh: Taageerada muuqaalku waxay ka caawisaa carruurta inay ogaadaan waxa ay tahay inay sameeyaan, goorta ay dhammeeyaan, iyo waxay samayn doonaan xiga. Isticmaal muuqaallada si aad u wadaagto jadwalka, u sharaxdo jadwalka joogtada ah, u gudbiso xeerarka iyo waxa laga filayo, u bixiso taageerada kala guurka, iyo in ka badan. Dhaqankani wuxuu xoojinayaa madaxbannaanida soo koraya ee carruurta iyo is-xakamaynta. Dhammaan da’da oo dhan Ka dhig deegaanka mid la saadaalin karo Jadwalka iyo Hawlaha Joogtada ah: Jadwalku wuxuu qeexayaa hawlahaa ugu muhiimsan iyo markay dhacaan maalintii. Jadwalka joogtada ahi wuxuu tixraacaa dhacdooyinka soo noqnoqda ee la qorsheeyay qaybo ka mid ah maalinta (salaan, gacmo dhaqid, nasasho). Lahaanshaha jadwal iyo hawl joogto ah ayaa carruurta siiya deegaan waxbarasho oo la saadaalin karo, kaas oo ay ku garanayaan waxa laga filayo. Xeerarka iyo Rajooyinka Cad: Xeerarku waa halbeegyo caadi ah oo ku saabsan sida carruurtu u dhaqmi doonto marka la joogo deegaanka waxbarashada hore. Rajooyinka dabeecadda ayaa qeexaya dabeecadaha habboon ee laga filayo carruurta inta lagu jiro waxqabadyo iyo hab-raacyo gaar ah. Barayaasha doonaya inay horumariyaan hab-dhaqan wanaagsan, waxay si feker ah u baraan carruurta xeerarka iyo waxyaabaha laga filayo: • Horumar ahaan ku habboon oo macquul ah. • Wanaagsan oo cad • Wax u qabta carruurta gaarka ah. • Loogu talagalay in si weyn loo helo waxbarasho. • Ixtiraam u leh qiimaha qoyska. Goobtu waa mid soo jiidasho leh, xiiso leh, waxayna leedahay meelo loogu talagalay noocyada kala duwan ee ciyaarta. Deegaanku wuxuu leeyahay xuduudo cad oo ka caawiya carruurta inay fahmaan sida loo isticmaalo booska si habboon. Sida loo habeeyo: JDeegaanka si fiican loo habeeyay ayaa ka madhan buuq, wuxuuna leeyahay iftiin dabiici ah, iyo hawo fiican. Habeeynta goobta, agabka, iyo alaabta guriga waa kuwo ku habboon da’da, raaxo leh, oo nadiif ah. Zainab waxay ahayd bixiyaha xanaanada carruurta in ka badan toban sano. Zainab waxay taqaanaa sida loo sameeyo deegaan wanaagsan si looga hortago dhaqamada adag. Zainab waxay si dhow ula shaqeysaa bulshada Soomaaliyeed si ay uga caawiso dejinta barnaamijyadooda. Kuwani waa xeelado ay ku isticmaasho barnaamijkeeda https://www.somalichildcareassociation.org/ 4DEEGAAN TAAGEERADA LEH - SOO SAARIDA 2 2. Waxaan jecelahay inaan ku calaamadeeyo ereyo iyo sawiro muuqaall badan oo laga arki karo darbiga. Intaas waxaa u smaeeya in ay carruurtayda yaryar ee aan wali wax akhriyi karin inay arki karaan sawirada darbiga ku dagsan oo gartaan halka loo socdo, iyo inta carruur loogu talagalay meel kasta ee lagu ciyaaro. 1. Meel kasta ay carurta ku ciyaarayaan in la calaamadeeyo inta loogu talagalay inay ku jiraan, sababtu carruurtu way ogaadaanayaan meelaha ay ku ciyaari karaan marka ay tahay free play time. Waxay aqoonsanayaan sharciyada ku xiran meelaha lagu ciyaaro. Zainab Dirie Childare Provider Director of somali Childcare Providers Association (SCPA)Taageerada Dabeecadda Wanaagsan (PBS) waa hab wanaagsan oo looga hortago waxna looga qabto dabeecadaha adag ee diiradda saaraya dhisidda xirfadaha bulshada iyo shucuurta. PBS waxay aqoonsan tahay in dabeecadaha oo dhan ay gudbiyaan farriin ama baahi. Marka barayaashu fahmaan macnaha dabeecadda ilmaha waxay awoodaan, iyaga iyo qoyska, ina barayaan ilmaha siyaabo aad u wanaagsan oo ay ugu gudbin karaan baahidooda. Su'aalaha Fikirka • Waa maxay sharciyada, filashooyinka, iyo hawlaha joogtada ah ee muhiimka ii ah • Sideen uga filayaa carruurta inay ku dhaqmaan barnaamijkayga? • Waa maxay ujeedka aan ka leeyahay inaan yeesho xeerka ama filashada? • Sharciyada ma u siman yihiin dhammaan carruurta? TALO: Fikirka shakhsiyadeed ee ku saabsan sida aad ula xiriirto sharciyada iyo waxa laga filayo carruurta. Habkaagu ma yahay mid deggan oo aan xukun lahayn? Miyay caddahay in diiradda la saarayo debeecadda, ee aan la saarayn ilmo gaar ah? Dhaqannada daryeelka, joogtada ah, iyo filashada aan u leenahay hab- dhaqanka waxay ku salaysan yihiin asalka dhaqankeenna iyo waaya-aragnimadii hore. sharciyada iyo filashooyinka jawiga waxbarashada hore iyo deegaanka waxay ka turjumayaan qiimeynta iyo hadafka ballaaran ee khuseeya dhammaan barayaasha, carruurta, iyo qoysaska. Mararka qaarkood eexda khiyaanada ah oo laga yaabo inaannaan xitaa ka warqabin waxay faragelin kartaa awoodda aan u leenahay inaan fahanno aragtida kale oo aan ku darno siyaabo kale oo wax loo qabto. Habka daah ka qaadista eexyadan aan tooska ahayn waxay qaadataa waqti iyo fikir dheer. 5DEEGAAN TAAGEERADA LEH - SOO SAARIDA 2 SInnaanta waa muhiim Taageerada dhaqanka Wanaagsan (PBS) iyo taageerida deegaanada Taageero Joogto ah Habka Ahraamta waa qaab dhismeedka PBS ee lagu hormarinayo horumarka bulshada iyo shucuurta ee carruurta yaryar. Qaabkaan wuxuu bixiyaa habab cadeyn joogto ah oo kusaleesan waxbaridda kuwaas oo loo habeeyay heerar aad u sareeya oo taageero ah. Hadafku waa in la waafajiyo heerka taageerida iyo baahida ilmaha. Habdhaqanka Guud The bottom two levels of practices focus on providing nurturing and responsive relationships and supportive environments for all children. Waxaa laga soo qaatay Fox, L., Dunlap, G., Hemmeter, M., Joseph, G. E., & Strain, P. S. (2003). Ahraamta waxbaridda: Tusaalaha lagu taageerayo kartida bulshada iyo ka hortagga dabeecadaha adag Ee caruurta yaryar. Caruurta Yaryar, 58(4), 48-52. DHAQAMADA WAXBARIDDA EE PBS Habdhaqanka Guud Deegaan Taageero Leh Deegaan waxbarasho oo si fiican loo qorsheeyey oo loogu talagalay dhammaan in carruurta lagu badbaaydiyo, laguna saadaalin karo, oo lagu taageeri karo. Marka mid kasta oo ka mid ah qaybahan ay jirto, carruurtu waxay u sahamiyaan si kalsooni leh waxayna u badan tahay inay dejiyaan oo xakameeyaan dabeecadooda. Marka deegaanku taageero dabeecadda wanaagsan, dadka waaweyni waxay diiradda saari karaan kor u qaadidda horumarka bulshada iyo shucuurta carruurta. Si Darran Soo Dhexgalid Bulsho iyo Dareen Xeeladaha Waxbaridda Tayo Sare Leh Jawi Taageero Leh Xiriirinta Kobcinta iyo Wax ka qabashada6DEEGAAN TAAGEERADA LEH - SOO SAARIDA 2 barashada kusaabsan aduunkeyga Ilmaha mujuq ah: Xilliga Hore Carruurta ku jira marxaladda hore ee horumarka bulshada iyo shucuurta waxay diyaar u yihiin inay bartaan sida: • Loogu fiirsado oo loo sahamiyo hareerahooda iyaga oo adeegsanaya dareeno iyo falal kala duwan si ay u baaraan dadka iyo shayga. • Bilow inaad ogaato oo ka qaybqaataan hawlaha maalmeedka. • Ka jawaabaan digniinta badbaadada dadka waaweyn. XIRFADAHA SOO BAXAYA EE CARUURTA SOCOD BARADKA Carruurta ku jira marxaladda soo koreysa ee horumarinta bulshada iyo shucuurta waxay diyaar u yihiin inay bartaan sida: • Si firfircoon u baadh deegaanka una muuji xiisaha isbeddelada habaynta qolka ama hawlaha caadiga ah. • Waxay xasuusan doonaan hawlaha qaar, qaarna iskood ayay u bilaabaan adiga oo aan waydiin tusaale ahaan sida loo diyaariyo hawsha xigta. • Si fiican uga jawaabidda tilmaamaha dadka waaweyn, inta badan. • Dhis madax bannaani. xanaano: Sare u qaadida Carruurta sii kordhineysa aqoontooda horumarinta bulshada iyo dareenka waxay diyaar u yihiin inay bartaan sida: • Si habboon loogu maamulo alaabta marka hawlo la qabanayo. • Loo aqoonsado xeerarka iyo filashooyinka fudud. • Raac inta badan jadwalka fasalka, sida inaad iska dhigto boorsada dhabarka markaad qolka soo galayso ama ku fadhiiso roogga ka dib wakhtiga dibadda. • La qabsadaan isbeddelada joogtada ah iyo waxqabadyada marka hore lagu wargeliyo. Si aad u hesho hagis dheeraad ah oo ku saabsan dhisidda iyo taageeridda is-xakamaynta marxaladaha hore ee horumarka, tixraac ilaha soo socda: • Tilmaamaha Waxbarashada Hore iyo Horumarinta ee Gobolka Washington (https://www.del.wa.gov/helpful-resources/washington-state-early-learning-and-developmental-guidelines) • Tilmaamaha Waxbarashada Hore iyo Horumarinta ee Gobolka Washington (https://eclkc.ohs.acf.hhs.gov/interactive-head-start-early-learning-outcomes-framework-ages-birth-five) Fahan xoog leh oo ku saabsan kartida koritaan ee ilmo kasta waxay u oggolaanaysaa barayaasha inay qorsheeyaan fursadaha waxbarasho ee habboon oo ay bixiyaan taageero ku haboon heerka baahida ilmaha.7DEEGAAN TAAGEERADA LEH - SOO SAARIDA 2 ilmaha mujuq ah: Xilliga Hore DHAQANGALI Barayaasha iyo qoysaska ayaa ah qaybta ugu muhiimsan deegaanka waxbarashada ilmaha mujuq ah. Ilmaha mujuq ah waxay ku tiirsan yihiin dadka waaweyn si ay u siiyaan daryeel iyo marin u helidda waxbarashada si gaar ah, fahansan, iyo hab nasasho leh. Waa lagama maarmaan in la isku dheellitiro baahiyaha gaarka ah ee ilmaha mujuq ah iyo baahiyaha kooxda iyo waxa laga filayo. Samee Deegaan Jidh ahaan Badbaado leh Sida loo habeeyo: Deegaanka jireed oo badbaado leh oo loogu talagalay ilmaha mujuaq ah waxay siisaa meel ka ilaalinaysa carruurta da’da weyn, firfircoonida badan iyo qalabka fiilada lagu ceejiyo. Alaabta gurigu waa mid ku habboon korriinka ilmaha mujuq ah (kuraasta ilmaha mujuq ah, kuraasta sare, sariiraha caruurta, gogosha jilicsan ee caruurta gauguurta, etc). Waa meel ilmuhu si xor ah u baari karaan iyadoon xiisahooda la hor istaagin. Dhaqamada Waxbaridda Xaqiiji in goobaha cayaaruhu aysan ahayn kuwo qasan ama ciriiri ah oo ayna furan yihiin wadooyinka socodka. Xaqiiji inay jiraan aagag ugu yaraan saddex nooc oo kala duwan oo ciyaar ah iyo kala goynta aagagga deggan iyo kuwa firfircoon markasta oo ay suurtogal tahay. U dhowow si aad u aragto, ula falgasho, ugana jawaabto ilmaha mijuq ah mar walba. Dhaqangalinta xeeladahaan waxay ku caawinaysaa ilmaha mijuq ah inay wax bartaan sida • Bilaabaan inay ogaadaan oo ka qaybqaataan hawl maalmeedka. • Ka jawaab digniinaha badbaadada ee dadka waaweyn. Dooro Qalab iyo Muuqaalo Taageero Leh Qalabka Taageerada iyo Ka Qaybqaadashada: Alaabtu waxay taageertaa marka si fudud loo heli karo oo la hawlgelinayo. Waxyaalaha la yaqaan iyo dhaqanka ku habboon ayaa gacan ka geysta abuuritaanka sii wadida guriga iyo deegaanka waxbarashada. Muuqaalada Taageerada leh: Taageerooyinka muuqaalku waxay bixiyaan macluumaad sawirro iyo walxo. In kasta oo laga yaabo in ilmaha mujuq ah marka hore aanay fahmin waxa sawiradu ka dhigan yihiin, waxay bilaabi doonaan inay bartaan oo ay dareemaan inay maamulayaan deegaankooda. Dhaqamada Waxbaridda Muuji walxo midab leh oo xiiso leh, sawirro, moobilo la siman indhaha ilmaha mujuq ah si ay u eegaan. • Bixi doorashada alaabta (labadaba matoorada waaweyn iyo kuwa yarba). • Abaabul iyaga oo adeegsanaya nooc la mid ah ama adeegso (aag alaab jilicsan, marada ama buugaagta sabuuradda, muusiga, alaabta carruurtu ku ciyaarto). • Qaad sawirro joogto ah, ka dibna fiiri oo ka wada hadla iyaga. “Fiiri! Marka hore waxaan beddelnay xafaayaddaada, hadda gacmaha ayaan dhaqaynaa.” • Loogu fiirsado oo loo sahamiyo hareerahooda iyaga oo adeegsanaya dareeno iyo falal kala duwan si ay u baaraan dadka iyo shayga. Ka dhig deegaanka mid la saadaalin karo Jadwalka iyo Hawl Maalmeedka: Marka ilmaha mujuq ah ay dareemaan waxa xiga oo ay ogaadaan in si wanaagsan loo daryeeli doono, waxay u muuqdaan inay dareemaan degganaansho iyo farxad badan. Xeerarka iyo Rajooyinka Cad: Marka filashooyinka dabeecadda wanaagsan si joogto ah loo qaabeeyo, ilmaha mujuq ah waxay u badan tahay inay muujiyaan dabeecadahaas markay weynaadaan. Dhaqamada Waxbaridda Baro oo raac jadwal kasta oo u gaar ilmaha mujuq ah, jadwalka, iyo tilmaamaha. Hayso hawlo isku mid ah maalin kasta. Diirada saar qaabka caadiga ah ee maalintii halkii aad waqtiga ka fikiri lahayd. Cod dheer kaga hadal waxaad wada samaynaysaan iyo waxa aad samayn doontaan marka xigta. Ugu celceli sidaa loo tuso oo ka hadal dabeecadaha la rabo.8DEEGAAN TAAGEERADA LEH - SOO SAARIDA 2 Tijaabi hawlahaan iyo alaabtaan si aad u abuurto deegaan taageero iyo badbaado leh oo loo saadaalin karo ilmaha mujuq ah. JADWALKA MUUQAALKA Samee jadwalka sawirka adiga oo adeegsanaya shaxda jeebka ama falliiqa Velcro iyo sawirrada laga qaaday ilmaha mujuq ah ka qaybgalaya hawlaha maalinlaha ah ee caadiga ah (sida imaanshaha, waqtiga ciyaarta, waqtiga dibadda, waqtiga cuntada, xafaayadda iyo bixitaanka). Ku dhaji meel qof walba arki karo. Tilmaan sawirada oo ka hadal waxa dhacaya maalintii oo dhan. Xusuusnow inaad noqoto mid dabacsan oo dabool baahiyaha ilmaha gaarka ah. Gacmuhu Loogu Ma Talagalin Garaacid Ee uu Leeyahay Martine Agassi Deji meel deggan oo wanaagsan oo leh ilmo yar kana hadal siyaabaha badan ee gacmaha loogu isticmaalo si wanaagsan. Diirada saar falalka ay yaqaanaan ilmaha mujuq ah: gacan haadin, hab siinta, cayaarta, cunista, iyo cabbitaanka. Samee falalka oo ku dhiiri geli ilmaha mujuq ah inay ku daydaan. Iskuday MUUQAALDA LOOGU TALAGALY HAWLAHA JOOGTADA AH Isticmaal muuqaalka Marka hore-Kadib si aad u barto tallaabooyinka hawlmaalmeedka oo fudud. Ku billow inaad dooratid dhowr hab-dhaqan oo maalin walba dhaca (xafaayadda, quudinta, ciyaarta). Jadwal kasta u kala qaybso laba tilaabo oo isku xigta. Tusaalaha xafaayada: Marka hore beddel xafaayada, Kadib gacmaha dhaq. Isticmaal sawiro ama sawiro labada tillaabo oo sawirada u hagaaji mid hore-ka dibna muuqaal ah. Ku dhaji jaantuska isla aagga qolka halka uu caadiyan ka dhaco. Had iyo jeer ka hadal sawirrada iyo waxaad samaynayso. *Taageerada muuqaalka HSCI iyo aaladaha macallinka: http://headstartinclusion.org/teacher-tools#visual BUUGAAGTA Ka dhig akhriska buugga sheekada qayb ka mid ah hawl maalmeedkaaga. In la wada fiiriyo buugaagta waxay noqotaa waxqabad lagu raaxeysto kaasoo dhallaanka ay dareemaan ammaan ayna ogaadaan waxa laga filan karo. ISKAASHI LALA SAMEEYO QOYSASKA Qoysasku waxay saamaynta ugu weyn ku yeeshaan wanaagga caadifadda iyo koritaanka ilmahooda. Ka qayb qaadashada iyaga abuurista deegaan si wanaagsan loo qorsheeyay oo loogu talagalay carruurta waxay xoojin kartaa xidhiidhka carruurtu ka dhexeeyaan gurigooda iyo deegaanka waxbarasho ee barnaamijka. U furfurnoow fikradaha cusub, in kasta oo laga yaabo inay dareemaan inaanay aqoon marka hore. Ku martiqaad qoysaska inay wadaagaan macluumaadka ku saabsan hawl maalmeedka iyo hababka daryeelka ee guriga. • Weydii qoysaska haddii ay jiraan waxyaabo guriga laga yaqaan oo ay carruurtu jeclaan lahaayeen inay ku arkaan deegaankooda waxbarasho si ay u abuuraan sii socosho. • Ku dhiirigeli qoysaska inay kala hadlaan carruurta waxa ay samaynayaan iyo waxa dhici doona marka xigta inta lagu jiro hababka daryeelka. 9DEEGAAN TAAGEERADA LEH - SOO SAARIDA 2 KA HADAL Wadahadal macno leh ayaa ka caawiya ilmaha mujuq ah inay fahmaan deegaankooda oo ay bartaan waxyaabaha laga filayo dabeecadda. Sii faalo, weydii su’aalo furan, oo isticmaal erayo cusub marka aad la falgalayso ilmaha mujuq ah inta lagu jiro hawlaha daryeelka maalinlaha ah. Faallooyinka Su'aalaha Furan Ereyo Cusub Waa waqtigii heesta aad ugu jeceshahay iyo hurdadaada. Waxaan beddelnaa xafaayaddaada ka hor hurdada. Kor! Gacmaha ayaad kor u taagtay. Waad ogtahay inaan ku qaadi doono! Waxaad u egtahay qof soo jeeda. Maxaad jeclaan lahayd inaad samayso? Waa waqtigii aad guriga aadi lahayd. Yaa u imanaya inuu ku soo qaado? Dhammaan waa sameeyay beddelka xafaayaddaada. Maxaan sameynaa marka xigta? Hurdo Xafaayad beddelid Waqtiga ciyaarta Haye Nabadeey Dabacsan DegganNext >