Made with FlowPaper - Flipbook Maker
ARRINTAN • Horumarinta saaxiibtinimada • Baridda tallaabooyinka xallinta dhibaatooyinka • Taageeridda xallinta dhibaatooyinka xilligan SOO SAARISTA 4 TAAGEERADA HABDHAQANKA WANAAGSAN BARIDDA XIRFADAHA DHIBAATO XALLINTA IYO SAAXIIBTINIMADA MAWDUUCYADA Sameeye: Gail Joseph Madaxa Tafaftirka: Tamarack O’Donnell Qoreyaasha: Angela Notari-Syverson, Heather Floyd, Tamarack O’Donnell Naqshadeeye: Ceci Skolrud Circle Time Magazine Soo Saarida 4 Baridda Xirfadaha Dhibaato Xallinta iyo Saaxiibtinimada, 2018 Wixii su'aalo ama faallo ah la xiriir CTmag@uw.edu Dukumentigan waxaa lagu diyaariyey taageero ka timid Washington State Department of Children, Youth, and Families (DCYF). Si aad u hesho ilo badan oo ku saabsan mawduucan, iyo si aad u daawato taxanaha soo bandhigida horumarka xirfadeed ee Circle Time Magazine nagala soco: http://cultivatelearning.uw.edu/circle-time- magazine/ BARIDDA XIRFADAHA XALLINTA DHIBATADA IYO SAAXIIBTINIMADA Xirfadaha: Tilmaamaha iyo Fikradaha Muhiimka ah Sinnaanta waa muhiim Taageerida Habdhaqanka Wanaagsan iyo Baridda Dhibaatooyinka Barashada Dunidayda Dhallaanka: Xilliga Hore • Dhaqangali • Iskuday • Ka Hadal • Iskaashi lala yeesho Qoysaska Caruurta Socod-baradka: Xirfadaha Soo Baxaya • Dhaqangali • Iskuday • Ka Hadal • Iskaashi lala yeesho Qoysaska Caruurta aan gaarin dugsiga: Kordhinta Xirfadda • Dhaqangali • Iskuday • Ka Hadal • Iskaashi Lala Yeesho Qoysaska Waa Wax Walba oo Adiga Kugu Saabsan: Dhisidda adkeysiga 3 4 4 5 6 6 7 8 8 9 9 10 11 11 12 12 13 15 15 163XALLINTA DHIBAATADA - SOO SAARIDA 4 Baridda Xallinta Dibaatada iyo Saaxiibtinimada Tilmaamaha iyo Fikradaha Muhiimka ah Horumari saaxiibtinimada Samaynta iyo dhawrista saaxiibadu waxay u baahan tahay u damqasho iyo karti aad si wanaagsan oo loola xiriiro dadka kale. Xirfadaha saaxiibtinimo waxaa ka mid ah wadaaga, caawinta, wax wada qabsiga, dejinta, soo jeedinta ciyaarta, bixinta bogaadinta, iyo fahamka sida iyo goorta la bixiyo raali gelinta. Barayaashu waxay tusaale u noqon karaan xirfadahaan waxayna abuuri karaan fursado horumarineed oo ku habboon ku dhaqanka maalinta oo dhan. Dhammaan da' kasta Awoodda lagu dhaqmo siyaabo dadka kale wax u tara ayaa fure u ah dhisidda isdhexgalka wanaagsan iyo saaxiibtinimada ka dhexaysa asaagga. Barayaashu waxay ka caawiyaan carruurta inay bartaan xirfadaha laga maarmaanka u ah inay yeeshaan saaxiibtinimo iyo inay helaan siyaabo ay wax uga qabtaan khilaafaadka bulshada. Baridda Tallaabooyinka Xallinta Dhibaatooyinka Iskudhacyadu waxay inta badan ka dhacaan deegaanka carruurnimada hore halkaas oo ay carruurtu weli ku baranayaan maareynta shucuurtooda iyo dhaqankooda. Carruurtu waxay diiradda saaraan baahidooda waxayna u muuqdaan inay dhibaatooyin ka arkaan aragtidooda keliya. Barayaashu waxay tusaale u noqon karaan oo bari karaan carruurta sida looga wada xaajoodo xalka u shaqeeya qof kasta iyadoo la adeegsanaayo tallaabooyinkan xallinta dhibaatooyinka: • Waa maxay dhibku? • Maxay yihiin xalalka qaarkood? • Iskuday. • Sidee buu xalku u shaqeeyay? Taageer Xalinta Dhibaatada Waqtigan Xallinta Dhibaatada waa shaqo adag! Barayaashu waxay ka caawin karaan carruurta inay adeegsadaan tallaabooyinka xallinta dhibka xilligan iyagoo: • Saadaalinaya khilaafaadka bulshada intaanay dhicin. • U dhowaanaya • Bixinaya taageero. • Ku dhiirigelinaya carruurta inay abuuraan xalal badan. • U dabaaldegaya guusha. Hawlaha PBS Taageero Joogto ah Habka Ahraamta waa qaab dhismeedka Taageerida Habdhaqanka Wanaagsan (Positive Behavior Support, PBS) ee wax ka qabashada horumarka bulshada iyo shucuurta iyo dabeecadaha adag ee carruurta yaryar. Qaab-dhismeedku wuxuu bixiyaa habab joogto ah oo ah hababka waxbaridda ee ku saleysan caddaynta kuwaas oo loo habeeyay afar heer oo taageero ah. Milicsiga Su’aalaha • Waa maxay qiimaha ay kuu leedahay saaxiibnimada? • Sideed u filaysaa inay saxiibadaadu isku la dhaqmaan? • Sideed u aragtaa isku dhaca? • Miyaad si furan u dhegeysataa dhammaan carruurta marka ay dhibaato jirto? • Ma jiraa cunug aad u maleeneysid inaad malo xun ka qabtid marka uu dhibaato ku lugleeyahay cunugaas? Taageerada habdaqaanka wanaagsaan (PBS) waa hab wanaagsan oo loo wajaho dabeecadaha adag ee diiradda saaraya dhisidda xirfadaha bulshada iyo shucuurta. PBS waxay aqoonsan tahay in dabeecadaha oo dhan ay gudbiyaan farriin ama baahi. Marka barayaashu fahmaan macnaha dabeecadda ilmaha waxay, iyaga iyo qoyskaba, bari karaan ilmaha siyaabo wax ku ool ah oo ay ugu gudbiyaan baahidooda. TALO: Weydiiso saaxiib ama shaqo-wadaag in uu kaa duubo muuqaal inta lagu jiro waqtiga maalintaas ka mid ah markaas uu jiro khilaaf badan oo u dhexeeya carruurta. Fiiri muqaalada oo fiirso sida aad uga jawaabto oo ula falgasho cunug kasta oo ku lug leh isku dhacyada. Ilmo kastaa ma helaa taageerada iyo tilmaanta ay u baahan yihiin? Baridda, Xirfadaha Dhibaato Xallinta iyo Saaxiibtinimada: Dhammaan carruurtu waxay u baahan yihiin waxbarid si ay u bartaan sida loo xakameeyo dareenkooda, looga shaqeeyo dhibaatooyinka dadka dhexdooda ah, loona ilaaliyo saaxiibtinimo caafimaadka leh. Carruurta qaarkood waxay u baahan doonaan waxbarid soo noqnoqota oo degdeg ah. Kor u qaad xirfadahaan adiga oo jooga, si dhow ula soco carruurta, oo si ula kac ah u baro xirfadaha xallinta dhibaatada iyo saaxiibtinimada ee xilligan. Si Darran Soo Dhexgalid Deeraanka iyo Bulshada Xeeladaha Waxbaridda Tayo Sare Leh Deegaan oo Taageero Leh Xiriirinta Kobcinta iyo Wax ka qabashada Waxaa laga soo qaatay Fox, L., Dunlap, G., Hemmeter, M., Joseph, G. E., & Strain, P. S. (2003). Ahraamta waxbaridda: Tusaalaha lagu taageerayo kartida bulshada iyo ka hortagga dabeecadaha adag Ee caruurta yaryar. Caruurta Yaryar, 58(4), 48-52. 4XALLINTA DHIBAATADA - SOO SAARIDA 4 Sinnaantu waa muhiim Taageerida Habdhaqanka Wanaagsan iyo Baridda xalinta Dhibaatooyinka Qiimaha aan siineyno saaxiibtinimada, iyo habka aan u marayno dhisidda iyo joogteynta cilaaqaadyadan, waxaa saameeya dhaqanka qoyska, bulshada, iyo waaya-aragnimada. Mararka qaarkood eexda khiyaanada leh waxay faragalin ku samayn kartaa awoodda aan u leenahay in aan ku wajahanno isku dhaca u dhexeeya carruurta leh maskax furan oo ka caawin karta inay u xalliyaan dhibaatooyinka si xushmad iyo caddaalad ku jirto oo ku aaddan dhammaan carruurta ku lugta leh. Daahfurnaanta eexyadaasi waxay qaadataa waqti iyo feker.5XALLINTA DHIBAATADA - SOO SAARIDA 4 Barashada ilmaha mujuqa ah XILLIGA Hore Carruurta ku jira marxaladda hore ee horumarka bulshada iyo shucuurta waxay diyaar u yihiin inay bartaan sida: • Ku lug lahaanshaha isdhexgalka fudud ee carruurta kale iyo dadka waaween. • U fiirsashada carruurta kale ee dhibaataysan. • Oggolaanshaha dadka waaweyn ee xalliya isku dhacyada carruurta kale. XIRFADAHA SOO BAXAYA EE CARUURTA SOCOD BARADKA AH Carruurta ku jira marxaladda soo koreysa ee horumarinta bulshada iyo shucuurta waxay diyaar u yihiin inay bartaan sida: • Loogu ciyaaro cunug kale oo agab kale ah oo la mid ah haysto agtiisa, ku daayashada ciyaarta canuga kale, ku dhaqanka wadaagista iyo qayb qaadasho. • Loo muujiyo damqasho oo isku day inau u dejiyaan carruurta dhibaataysan. • Loo sameeyo go'aano iyo ku dhaqanka xallinta dhibaatooyinka carruurta kale, iyagoo kaashanaya dadka waaweyn. XANAANO Sare u qaadida Carruurta sii kordhineysa aqoontooda horumarinta bulshada iyo dareenka waxay diyaar u yihiin inay bartaan sida: • Loola ciyaaro carruurta kale, sida soo jeedinta wax si wada jir ah loo sameeyo, oo ay ku jiraan fikradaha dadka kale, iyo in la raaco xeerarka la isku raacsan yahay. • Loo sameeyo saaxiibtinimo hal ama laba carruur ah oo la doorbido. • Loo aqoonsado loona sharxo dhibaatooyinka bulshada loona soo jeediyo xal wax ku ool ah. Si aad u hesho hagis dheeraad ah oo ku saabsan dhisidda xiriir iyo taageeridda is-xakamaynta marxaladaha hore ee horumarka, tixraac ilaha soo socda: • Tilmaamaha Waxbarashada Hore iyo Horumarinta ee Gobolka Washington (https://www.del.wa.gov/helpful-resources/washington-state-early-learning-and-developmental-guidelines) • Qaab-dhismeedka Natiijooyinka Waxbarashada Hore (https://eclkc.ohs.acf.hhs.gov/interactive-head-start-early-learning-outcomes-framework-ages-birth-five) Fahan xoog leh oo ku saabsan kartida koritaan ee ilmo kasta waxay u oggolaanaysaa barayaasha inay qorsheeyaan fursadaha waxbarasho ee habboon oo ay bixiyaan taageero ku haboon heerka baahida ilmaha.6XALLINTA DHIBAATADA - SOO SAARIDA 4 ilmaha mujuqa ah xilliga hore DHAQANGALI ilmaha mujuqa ah ayaan xiisaanayo carruurta kale. Waxay si taxaddar leh u eegaan carruurta kale, taabtaan oo u eegaan marka ilmo kale ooynayo. Barayaashu waxay ka caawin karaan ilmaha mujuqa ah inay dhisaan wacyiga carruurta kale waxayna dhiirrigeliyaan is-dhexgalka asxaabta. Kor u Qaad Xirfadaha Saaxiibtinimo ilmaha mujuqa ah waxay u muuqdaan inay ka garab ciyaaraan carruurta kale, halkii ay la wada ciyaari lahaayeen. Waxay bilaabayaan inay u muujiyaan dookhyada qaar ka mid ah kuwa kale. Barayaashu waxay u abuuri karaan fursado ilmaha mujuqa ah inay u ciyaaraan dhinac-dhinac oo ay is-dhexgalaan. Dhaqamada Waxbaridda Isticmaal qalab ku dhiirrigeliya ilmaha mujuqa ah inay is-dhexgalaan. Isticmaal qalab laba ama in ka badan oo ilmaha mujuqa ah ahi isku mar isticmaali karaan. Ka hadal waxa ay ilmaha mujuqa ah sameynayaan si ay uga caawiyaan dhisidda wacyiga midba midka kale. Samee Xallinta Dhibaatada Markay dhallaanka is-dhexgalaan maalintii oo dhan, barayaashu waa inay ogaadaan tilmaamaha ilmaha mujuqa ah. Iska ilaali xaaladaha kicin kara walaaca ama isku dhaca. Dhaqamada Waxbaridda Ka warqab tilmaamaha ilmaha mujuqa ah ee hadaayo iyo kuwa aan hadleenin. Si loo siiyo deganaansho taageero leh si looga caawiyo ilmaha mujuqa ah inay isdejiyaan Sharax dhibaatada oo tilmaam xalalka qaarkood. Qaabee oo bixi taageero si loo helo is-dhaxgal wanaagsan. Ku dhiirigeli carruurta dadaalkooda. Dhaqangalinta xeeladahaan waxay ka caawinaysaa ilmaha mujuqa ah inay wax bartaan sida • Oggolaanshaha dadka waaweyn ee xalliya isku dhacyada carruurta kale. • Ku lug lahaanshaha isdhexgalka fudud ee carruurta kale. • U fiirsashada carruurta kale ee dhibaataysan.7XALLINTA DHIBAATADA - SOO SAARIDA 4 Tijaabi hawlahaaniyo qalab kaan si kor loogu qaado saaxiibtinimada iyo xirfadaha xallinta dhibaatooyinka bulshada e ilmaha mujuqa ah. . BUUGAAGTA Gossie and Gertie/Gansi y Gertie Ee uu leeyahay Olivier Dunrea Buuggan laba-luqadlaha ah ee Ingiriisiga iyo Isbaanishka wuxuu ku saabsan yahay laba shimbir oo saaxiibo ah. Waxyaalo badan bay wada sameeyaan, waxyaabaha qaarna iskooda ayey u samaystaan. Si wadajir ah u eega sawirada. Ku dhiiri geli ilmaha mujuqa ah uu buugga qabsado oo kontoroolo. Markaad akhrinayso buugga, ka hadal sawirrada uu ilmaha aad u xiiseeyo. Sharax in shimbiruhu ay saaxiibo yihiin maxaa yeelay way isku raaxaystaan oo way is daneeyaan. Iskuday QALABKA SAAXIIBTINIMADA Samee “Qalabka Saaxiibtinimada” oo ay ku jiraan waxyaabaha carruurtu u isticmaali karaan inay u dejiyaan saaxiib. Barayaashu waxay tusaale u noqon karaan adeegsiga alaabtan marka ilmuhu ogaado ilmo kale oo murugaysan ama dhibaataysan. Ka hadal waxaad samaynayso. Ku dhiiri geli isdhexgalka diiran ee ka dhexeeya carruurta. Alaabooyinka Suurtagalka ah ee Qalabka Saaxiibtinimada • Xirmada istiraasho: Sii istiraasho haddii saaxiibku ooynayo. • Boombalo yar oo jilicsan: Ku caawi saaxiib in uu ku dego alaabta lagu ciyaaro ee hab la siiyo.ISKAAshi LA SAMEE QOYSASKA Qoysasku waxay saamaynta ugu weyn ku yeeshaan wanaagga ladnaanshaha iyo koritaanka ilmahooda. Qoysaska la samee xiriir adag, kalsooni, oo is-dhaafsi leh. Wax ka baro carruurta kale ee laga yaabo inay la jiraan qoyskooda iyo nooca dhibaatooyinka bulsheed ee guriga ku soo socda. U furfurnow hagaajinta taageeradaada si aad ugu darto xeelado qoysku guriga ku isticmaalo. • Kala hadal qoysaska fursadaha ilmahoodu u leeyahay inuu kula falgalo carruurta kale guriga iyo bulshada dhexdeeda. • Weydii qoysaska inay la wadaagaan tusaalayaal sida ilmahoodu u bilaabo oo uga jawaabo isdhexgalka carruurta kale. • Ku martiqaad qoysaska inay sharxaan waxay sameeyaan marka ilmahoodu isku dhac la kulmaan marka ay la ciyaarayaan carruurta kale. 8XALLINTA DHIBAATADA - SOO SAARIDA 4 KA HADAL Wadahadallo macno leh oo lala yeesho dadka waaweyn ee la aamminsan yahay ayaa carruurta ka caawiya inay si fiican u fahmaan dhibaatooyinka bulshada iyo sida looga shaqeeyo. Faalo ka bixi, weydii su’aalo furan, oo isticmaal erayo cusub marka aad dhiirigalinayso isdhexgalka asxaabta oo aad ka caawiso xallinta isku dhacyada dhallaanka inta lagu jiro hawlaha daryeelka maalinlaha ah. Faallooyinka Su'aalaha Furan Ereyo Cusub Waad dhoola cadeynaysaa. Waxaad jeceshahay inaad la ciyaarto saaxiibkaa Fiiri, Natalia ayaa ku daawaneysa. Waxaan u malaynayaa inay iyaduna rabto inay ciyaarto! Chloe waxay lahayd alaabtaas. Aan dib u celino oo mid baan kuu heli doonaa. Hmmm, waxay umuuqataa inaad adiga iyo Julian labadiinuba doonaysaan alaabtaas. Maxaan sameynaa? Amal way ooyneysaa. Sideen uga caawin karnaa inay dareento fiicnaan? Waxaan ku arkaa adiga oo saaxiibbadaa daawanaya. Yaad rabtaa inaad la ciyaarto? Saaxiib Dhibaato Caawin Deggan Murug Dhoolacadayn9XALLINTA DHIBAATADA - SOO SAARIDA 4 Ku dhaqanka xeeladahaan waxay ku caawineysaa socod baradka inay wax bartaan ILMAHA SOCOD-BARADKA xirfadaha soo baxaya DHAQANGALI Socod baradka waxay bilaabayaan inay ku dhaqmaan dabeecadaha bulshada dhexdeeda ah sida caawinta, wadaagga, iyo dejinta. Waxay markooda ciyaari karaan oo ka jawaabi karaan baahida iyo codsiyada carruurta kale ee haysta taageerada dadka waaweyn. Kor u Qaad Xirfadaha Saaxiibtinimo Socod baradka waxay ku biiraan inay la ciyaaraan carruurta kale waxayna u muujiyaan doorbidyada kuwa ay wada ciyaaraan. Waxay u muujin karaan jaceyl wanaagsan kuwa ay doorbidaan af ahaan iyo dhaqdhaqaaqyada sida dhoolla-caddaynta, hab siinta, taabashada, iyo dhunkashada. Dhaqamada Waxbaridda Samee qayb qaadashada iyo wadaagga. Bixi tilmaamo kaa caawinaya socod baradka inay wada ciyaaraan. Ku dhiiri geli socod baradka inay is caawiyaan oo wax wada qabtaan. Bar Dhibaato Xallinta Socod baradka waxay bilaabayaan inay sababaan oo fahmaan cawaaqibka fudud ee ficilada. Waxay diyaar u yihiin inay wax ka beddelaan ficilladooda iyo dhaqankooda xaaladaha bulshada marka la waydiiyo. Dhaqamada Waxbaridda Sharaxaad ka bixi waxa aad u aragto in dhibaatadu noqon karto. Xal u bixi. Sharax waxa ay muhiim u tahay. Ka caawi inay isku dayaan. Ku dhiirrigeli socod baradka inay ka hadlaan sida wanaagsan ee xalku u shaqeeyay. • La ciyaaro cunug kale oo isku qalab la mid ah, ku dayo ciyaarta kale ee carruurta, ku celceli wadaagga iyo is-beddelka. Taageer Xallinta Dhibaatooyinka ee Waqtiga Carruurta yaryari waxay aad u danaynayaan inay wada ciyaaraan. Barayaashu waa inay u istaagaan inay taageeraan socod baradka, iyagoo ka caawinaya inay dhexgalaan is-dhexgal wanaagsan oo ay la yeeshaan asxaabta oo ay xalliyaan dhibaatooyinka markay soo baxaan. Dhaqamada Waxbaridda Si dhow u fiirso—inta badan iska eeg deegaanka si aad u ogaato haddii ay jiraan isku dhacyo. U soo dhawaw oo ka caawi ilmaha socod baradka inuu doorto xeeladaha la tacaalid ah oo la doorbido. Sharax tallaabooyinka lagu xallinayo dhibaatooyinka. Si wadajir ah xal u abuura. Ku dhiiri geli carruurta dadaalkooda. • Loo muujiyo damqasho oo isku day inay u dejisaan carruurta dhibaataysan. • Loo sameeyo go'aano iyo ku dhaqanka xallinta dhibaatooyinka carruurta kale, iyagoo kaashanaya dadka waaweyn.Next >